
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo ku sugan waddanka Tunisia ayaa maanta kulan la qaatey madaxweynaha dalkaasi, Qays Saciid, kaas oo ku soo dhoweeyey shirweynaha caalamiga ah ee TICAD8.
Shirkaan oo u dhexeeyo Japan iyo Afrika ayaa waxaa loogu magac-daray shirka caalamiga ee Tokyo ee horumarinta Afrika (TICAD8), wuxuuna socon doono muddo laba cisho ah.
Ra’iisul wasaare Xamza oo shirka ku meteli doono Soomaaliya ayaa la filayaa inuu khudbad ka jeediyo madasha, taas oo uu uga hadlayo horumarka Soomaaliya iyo fursadaha ka jira.
Sidoo kale waxaa shirweynahaan qayb ka ah madaxda Afrika & Ururrada ka jira Qaaradda, halka Ra’iisul Wasaaraha Japan Kishida Fumio uu uga qaybgalayo aaladda Fogaan-aragga.
Dowladda Japan waxa ay shirkaan ugu talagashay in ay ku xoojiso xiriirka ganacsi iyo midka siyaasadeed ee ay la deedahay Qaaradda Afrika.