Itoobiya oo sheegtey in deegaanka somalida gaaska ku jira uu kor u dhaafayo 7 Trillion Cubic feet

0
399

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in gaaska dabiiciga ah ee laga helay degaanka Sopmaalida uu ka badan yahay qiyaastii hore looga haystay, iyadoo wakhti xaadirkan gaaska dabiiciga ah ee laga helay dowlad degaanka Soomaalida uu dhan yahay 7 Trillion Cubic Feet (7TCF)”.

Qiyaasta hadda la shaaciyay ayaa waxaa laga helay saddex goobood oo kala duwan oo degaanka Soomaalida ah sida Kaalub, Hilala iyo Jeexdin, sida uu sheegay Wasiirka Macdanta iyo Shidaalka ee Itoobiya Eng.Tekele Umma.

Saami qaybsiga khayraadka degaanka Soomaalida oo wali aan si toos ah loo xadayn, ayay dowladda dhexe ee Itoobiya waxay go’aamisay in boqolkiiba 50 uu lahaado dowlad degaanka Soomaalida, iyadoo sidoo kale ay gaar wax ugu yeelanayaan shacabka deggan goobta sida gaarka ah shidaalka looga soo saarayo.

Arrimaha shidaalka ee degaanka Soomaalida oo marxalado kala duwan soo maray, ayaa haatan dowladda dhexe ee Itoobiya si rasmi ah ugu dhawaaqday cabbirka rasmiga ah ee Shidaalka laga helay dowlad degaanka Soomaalida.

Dowladda Itoobiya ayaa bishii saddexaad ee sannadkan dib heshiis ula gashay Shirkad kale oo laga leeyahay dalka Maraykanka oo lagu magacaabo LCAI, Shirkaddan dambe waa midda soo heshay cabbirkan dambe ee shidaalka uu leeyahay dowlad degaanka Soomaalida.