Deegaan cadaleey oo lagu weerarey dad ku sugnaa xaflad aroos ah

0
284

Wararka ka imaanaya tuulada Cadayleey oo ka mid ah tulooyinka hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Sh/ hoose ayaa sheegaya in Xalay halkaasi rag hubeysan ay toogasho ka geysteen goob ay ka socotay xaflad aroos ah.

Ragga hubeysnaa ayaa lasoo wariyay iney rasaas ooda uga qaadeen dadkii ku sugna guriga uu ka jiray arooska, waxaana inta la xaqiijiyey dhacdadaasi ku dhintay ugu yaraan ilaa shan qof, islamarkaana ay ku dhaawacmeen sagaal qof oo kale, kuwaas oo dhaawacyadooda la geeyey isbitaalka guud ee degmada Afgooye.

Dadka deegaanka qaarkood oo la hadlay warbaahinta ayaa waxay sheegeen in raggii hubeysnaa ee dhibaatada geystay ay ka baxsadeen goobta, iyadoo saacado kadibna ay halkaasi gaareen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa weerarkaan dadka shacabka ah lagu laayay, mana jirto wax war ah oo laa hadda kasoo baxay laamaha amaanka degmada Afgooye oo ku aadan dhacdadaan sida weyn Saakay looga hadal haayo degmada Afgooye iyo nawaaxigeeda.