Ciidamada Liyuu oo xir xirey ganacsato iyo dhalinyaro kasoo jeeda deeganada koonfur galbeed

0
522

Ciidamada dowlad degaanka Soomaalida ee liyuu Boolis ayaa dad farabadan oo isugu jira dhalinyaro iyo Ganacsato kasoo jeeda degaannada Koonfur Galbeed waxaa ay ku xir xireen Magaalada Wardheer ee Gobolka doollo ee dowlad degaanka Soomaalida.

Dadkaan ayaa laamaha Amniga Gobolka Doollo ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan sababta loo xiray xiray balse qaar kamid ah Ehellada dadkaas ayaa sheegay in lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab ee dhawaan weeraray gobolka Doolllo ee dowlad degaanka Soomaalida.

Magaalada Wardheer ee dadka lagu xir xiray ayaa waxaa gacanta ku haya Ciidamada liyuu Boolis ee dowlad degaanka Soomaalida iyo Maamul millateri ah, waxana goobjoogayaal ay sheegeen in xariga dadka Shacabka uu socday maalmihii la soo dhaafay.

Dhawaan ayaa Saraakiisha Ciidamada liyuu Boolis waxaa ay soo bandhigeen muuqaalada Xubno kamid ah ururka Al-Shabaab ee weeraray dhulka dowlad degaanka Soomaalida, kuwaas oo sheeganayay inay kasoo jeedaan degaannada Koonfur Galbeed.