
Maamulka Jubbland ayaa xaqiijiyay inay ciidmo Itoobiyaan ah oo kasoo gudbay xadka labada dal ay gaareen qeybo kamid ah gobolka Gedo, maalmo kadib dagaalladii Itoobiya Alshabaab kula gashay gobolka Bakool iyo xadka.
Wasiirka amniga Jubbaland, Yuusuf Dhuumaal ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya u tageen gobolka Gedo sugida amniga xaduudaha, si ay uga hortagaan in Alshabaab mar kale weerar kusoo qaadaan dowlad deegaanka Soomaalida.
Wasiirka amniga wuxuu sheegay ciidamada Itoobiya inay ku sugan yihiin garoonka diyaaradaha ee Doolow iyo buundada magaalada, wuxuuna sheegay inay yihiin ciidamo yar oo aan ahayn sida loo buunbuuniyay.
Wasiirka waxa uu sheegay inay Itoobiya iska kaashanayaan la dagaalanka Shabaabka dhibaatada ku haysa gobolka Gedo.
