Cabdirahmaan cabdishakuur oo kulan la qaatey ku xigeenka wakiilka gaarka ah ee qaramada midoobey Adam Abdelmoula

0
158

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kulan la qaatay ku xigeenka Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay Adam Abdelmoula.

Ergeyga iyo wakiilka ayaa iska xog-wareystay halka ay marayaan howlaha gargaarka ee labada dhinac iyo tallaabooyinka ay hadda tahay in la qaado ee dardargalin, wacyi-galin iyo u qeylo-dhaaminta Dowladaha, deeq-bixiyayaasha iyo dadka wax heysta.

Waxa ay bogaadiyeen howlaha lama huraanka ah ee ilaa hadda qabsoomay, waxayna hoosta ka xariiqeen in loo baahan yahay dhaqaale badan iyo isku-duwid xooggan, si looga baaqsado in macluushu daad goosato xaalkuna intaan ka sii xumaado.

Adam Abdelmoula ayaa bogaadiyay sida Dowladda Federaalka diiradda u saareyso howlaha gargaarka, iyadoo dhinacyadu dood wax ku ool ah ka yeesheen sidii looga hortagi lahaa in xaaladdu faraha ka baxdo macluul daranna dillaacdo.