Maamulka jubaland oo soo dhaweeyey xukuumada uu magacaabay reysulwasaare xamza

0
282

Maamulka Jubbaland ayaa caddeeyay mowqifkooda ku aadan xukuumada cusub ee Soomaaliya ee uu magacaabay Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre, waxaana uu sheegay inay taageersan yihiin xukuumadda cusub,.

Madaxweyne kuxigeenka 2-aad ee Maamulka Jubbaland Cabduqaadir Xaaji Maxamuud (lugadheere) ayaa sheegay inay si buuxda u tageerayaan Xukuumadda Cusub, isaga oo ugu baaqay Golaha Shacabka inay ansixiyaan Golaha Wasiirada cusub.

Wuxuu sidoo kale ka codsaday Shacabka Soomaaliyeed inay taageeraan Golaha Wasiirada Ra’iisul Wasaare Xamse una baahan yihiin in horay loo socdo.

Qoraalkaan ayaa daba socda Warqad kasoo baxday kulan Muuqaalka Fogaan-aragga ku yeesheen Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee maamul goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan & Madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ku qaadaceen hab qaybsiga beelaha ee lagu saleeyay Xukuumadda magacaaban.