
Hogaamiyaha maamulka koonfurgalbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa gaaray Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya , isaga oo casuumaad ka helay madaxda dalkaas.
Xogaha la helay ayaa sheegeysa in casuumaadaan ay dowladda Itoobiya u fidisay hogaamiyaha maamulka Koonfur Gabeed ay qeyb ka tahay tallaabada ay ku dooneyso in ay ku yeelato Gobolka & inay isaga difaacdo dowladda Federaalka Soomaaliya hadii uu khilaaf yimaado.
Safarkaan uu madaxweynaha Koonfur Galbeed ku tegay Itoobiya ayaa sidoo kale kusoo beegmaya xilli dhawaan Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi barre uu ku dhawaaqay golle Wasiiro oo uu kamid yahay Mukhtaar Roobow oo ay dawladda Itoobiya xasaasiyad weyn ka qabto maadaama ay ka shaqeysey afduubkii loo geystey mukhtaar roobow.
