
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan kula qaatay magaalada Qaahira ee dalka Masar dhigiisa dalkaasi Jenaraal Maxamed Axmed Zaki.
Labada wasiir ee Wasaaraddaha Gaanshaandhiga dalalka Soomaaliya iyo Masar ayaa ka wada hadlay sidii loo adkeyn lahaa xiriirka iyo iskaashiga labada Wasaaradood ee difaaca Soomaaliya iyo Masar si isku xirkooda sare looga qaado heerka uu joogo.
Kulanka dhexmaray Wasiirka Gaashaandhga Soomaaliya iyo dhigiisa dalka Masar ayaa imaanaya xili dalkaasi uu ku sugan yahay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo isna halkaasi kulamo xasaasi ah kula yeeshay dhigiisa Madaxweynaha dalka Masar Cabdifataax Al-siisi
Dowladda Masar waxay kamid tahay dowladaha Afrika ugu hormarsan dhanka ciidanka, waxayna door firfircoon ku leedahay ciidamada Nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay kuwaas oo ka howlgala wadamo badan.