Diyaarado xaley duqeymo ka geystey deegaanka tooratoorow

0
418

Wararka aynu ka heleyno deegaanka Tooratooroow ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in halkaasi Xalay saqdii dhexe diyaarado dagaal ay ka fuliyeen duqeymo culus.

Deegaanka Xalay la duqeeyay ee Tooratooroow ayaa ka mid ah deegaanada ay sida weyn ugu xoogan yihiin dagaalamayaasha Al-shabaab, hayeeshee lama oga khasaaraha rasmga ah ee ka dhashay duqeymahaasi Xalay lagu garaacay deegaanka.

Dad goobjoogayaal ah oo warbaahinta la hadley ayaa sheegay in diyaaradaha duqeymaha geystay ay ahayeen laba diyaaradood, islamarkaana ay si gaar ah u beegsadeen xarmaha ay ku shaqeeyaan Al-shabaabka ku sugan deegaankaasi.

Goobjoogayaasha waxay sidoo kale sheegey in labada diyaaradood mid ka mid ah ay dhulka usoo degtay, islamarkaana ciidamadii saarnaa ay kaxeysteen ku dhawaad 10 ruux oo ka mid ahaa dadka deegaanka, kuwaas oo ay ku tuhmayeen iney Shabaab ka tirsan yihiin.