Somaliya, Mareykanka iyo qaramada midoobey oo ka wada hadley arimaha abaaraha

0
315

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, madaxa ugu sarreeya hay’adda Kaalmada iyo Hormarinta Caalamiga ah ee Mareykanka, Danjire Samantha Power iyo Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay James Swan, ayaa wadajir u shir guddoomiyay kulan looga hadlayay arrimaha abaaraha Soomaliya.

Kulanka oo ay kasoo qeyb-galeen qaar ka mid ah danjireyaasha waddamada Soomaaliya deeqaha siiya sida; Mareykanka, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Ingriiska, Turkiga, Sucuudiga, Imaaraatka Carabta iyo Qatar ayaa si guud diiradda loogu saaray xaaladda abaaraha Soomaaliya, halka uu maraayo dedaalka gurmadku iyo sida loo sii dardar-gelin karo.

Samantha Power oo hadalka ku horreysay ayaa mahadcelin kadib ku dhawaaqdey 476 milyan oo deeq dheeriya ah taas oo ka dhigeysa tirada lacagta guud ee Mareykanku ku deeqay Soomaaliya sanadkaan 668 Milyan. Samantha ayaa sidoo kale sheegtay in dowladdeedu ay dedaal ku bixineyso u qareemidda Gurmadka Abaaraha Soomaaliya.

Waddamada kale ayaa dhankooda ka warbixiyay deeqaha ay siiyaan Soomaaliya, iyagoo muujiyay sida ay u daneynayaan sii xoojinta dedaallada ku aaddan gurmadka abaaraha.

Ergeyga ayaa uga mahadceliyay dowladda Mareykanka deeqda ay kordhiyeen isagoo ugu baaqay dowladaha kale in ay ku daydaan dowladda Mareykanka, wuxuu kaloo ergeygu uga mahad celiyay Danjire Samantha Power, booqashada ay ku timid Soomaaliya, taasoo indhaha caalamka ku soo jeedineysa muskiladda abaaraha ee ka aloosan waddanka.