Gudoomiyaha gobolka bakool oo sheegay in ciidamada liyuu boolis ay dad shacab ah dileen

0
615

Guddoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tall ayaa ka hadlay dhibaatadii ka dhalatay dagaaladii Ciidamada liyuu Boolis & Al-Shabaab ku dhexmaray xadka Gobolka Bakool uu la wadago dowlad degaanka Soomaalida.

Guddoomiyaha waxaa uu sheegay in dagaaladaas ay khasaaro badan kasoo gaartay dad Shacab ah, isla markaana qaarkood ay mas’uul ka yihiin ciidamada dowlad degaanka Soomaalida ee liyuu Boolis.

Sidoo kale wuxuu hadalkiisa uu intaasi ku daray Guddoomiyaha in dhibaatada ugu daran ay gaartay dadkii kasoo barakacay abaarta ee kunool degmada ceelbarde ee gobolka Bakool iyo degaannada kale.

Wuxuu sigaar ah uu eedeeyay ciidamada liyuu Boolis inay dad Shacab ah ku xasuuqeen gobolka Bakool, isla markaana howlgallo gaar ah ay sameeyeen, iyaga oo aan kala tashan Madaxda Maamulka Koonfur Galbeed.