
Madaxweynayaashii hore ee Maamul Goboleedka Puntland Sanoter Cabdiraxmaan Faroole iyo Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, iyo siyaasiyiin kale oo uu kamid yahay Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad ayaa Warsaxaafadeed kasoo saaray dagaalkii Garoonka Magaalada Boosaaso ku dhexmaray Ciidamada PSF iyo kuwa PMPF, kaas oo geystay qasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Qoraal Wadajir ah oo ay soo saareen Siyaasiyiintaas ayay ku eedeeyeen Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar inay mas’uul ka tahay dagaalkii ka dhacay Garoonka Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, isla markaana ay hareer martay nidaamka dowladnimo.
Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu soo banhigay sida Siyaasiyiintaan ay uga xun yihiin dhacdadaas, iyaga oo baaq u diray Madaxda dowladda iyo kuwa Puntland, waxaana qodobada ugu muhiimsan Warsaxaafadeedka kamid ah.
1- Waxaan annagoo aad uga murugeysan ka tacsiyeyneynaa geerida iyo dhaawaca naxdinta leh ee ka dhalatay qalalaasihii ka dhacay Boosaaso 11kii Bishaan June ee sanadkan 2022. Waxaan inti dhimatay Alle uga baryeynaa naxariis iyo dembi dhaaf ehelkoodana samir iyo imaan. Inta dhaawaca ahna Allaha silyo caafimaad dhaqsa ah.
2- Waxaan si xooggan u cambaareyneynaa cidda masuulka ka ah dhibtaas weyn ee dhalisay dhimashada iyo dhaawaca, khalkhalkana gelisay xasiloonida Puntland.
3- Waxaa cad in dhibkii halkaa ka dhacdey iney mas’uul ka tahay Gudoomiye ku xigeenka Kowaad ee Barlamanka Golaha Shacabka JFS Sacdiya Salaad Samatar iyadoo baalmartey nidaamkii dowliga ahaa oo dalku lahaa.
4- Waxaan ugu baaqeynaa geybaha kala duwan ee reer Puntland, gaar ahaan magaalada Boosaaso inay ilaashadaan nabadda, xasiloonida iyo nidaamka dowladnimo ee Alle ku mannaystay.
5- Puntland waxay leedahay Maamul la doortay iyaga ayaan ah dariqa ugu mudan ee ay tahay in la maro xirirka Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Puntland.
6- Waa in laga fogaado wax kasta oo wax u dhimi kara isla shaqaynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-Goboleedyada.
Majerten wuu qadan la’yahay dadaalka uu ku bixiyey duminta uu la hortagna xukumadii mw farmajo mudo 5sano ah markii uu ku guleysten waxay filayeen ee ahaa in dalka hogankiisa sare ay qabtan wey wayeen waxaa taa uga sii dartey markii dalka somaliya kusime mw ay ka noqotey gabar tumal ah oo ka soo jeeda g.bari manta midnimo somali waxaa ugu dhow isaq hadii lagu akhriyo iririsim.
Comments are closed.