Ciidamada boliiska Nigeria ee ku sugan somaliya oo taliye cusub yeeshay

0
288

Ciidanka Booliska Nigeria ee qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS), ayaa bedelay taliyahoodii, iyaga oo yeeshay taliye cusub.

Taliyaha loo soo magacaabay Ciidanka Booliska Nigeria ee ku sugan Somaalia Mohammed Ibrahim ayaa la wareegay xilka taliyaha qeybta xilli kadib munaasabad xil wareejin ah oo ka dhacday magaalada Muqdisho.

Kaaliyaha Kormeeraha Guud ee Bilayska Augustine Kailie ayaa ku ammaanay taliyihii hore ee xilka ka degaya iyo kooxdiisa sidii sharaf, xirfada iyo geesinimada laheyd oo ay ugu adeegeen Shacabka si ay u horumariyaan waajibaadka ATMIS.

Taliyihii hore ee xil wareejiyay ayaa u mahadceliyey saraakiishii uu ku amray in ay horumariyaan waajibaadka howlgalka, in kasta oo ay carqaladeeyeen masiibada COVID-19, in kastoo ay bixiyeen amni ku filan inta lagu guda jiro doorashooyinka qaranka ee dhawaan la soo gabagabeeyay.

Taliyaha Cusub ee Ciidamada Nigeria Maxamed Ibraahim, ayaa ku amaanay ATMIS militariga, booliiska iyo qaybaha rayidka horumarka laga gaaray fulinta waajibaadka howlgalka ATMIS ee Soomaaliya.