
Madaxweynayaasha dowladdaha federaalka Soomaaliya iyo Eritrea, ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad ah oo quseeysa iskaashiga laba geesoodka ah ee siyaasadda, diblomaasiyadda, dhaqaalaha, bulshada, dhaqanka, deegaanka, difaaca & amniga.
Labada madaxweyne oo kulan gaar ah yeeshay ayaa si qoto dheer uga wada hadlay muhimadda ay nabadda iyo horumarka Soomaaliya u leedahay is-dhexgalka dhaqaalaha gobolka geeska Afrika.
Iyagoo ka duulaya xidhiidhka ka dhexeeya Ereteriya iyo Soomaaliya, ayay madaxweynayaasha labada waddan isku raaceen qodobadan hoose :-
1- In lo horumariyo xidhiidhka ka dhexeeya labada shacab oo ay ku jiraan Qurbajoogta.
2- Xoojinta iskaashiga siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed si ay u ilaashadaan una horumariyaan danahooda qaran.
3- In la ballaariyo iskaashiga dhaqaale iyo bulsho iyadoo xoogga la saarayo ganacsiga, maalgashiga, amniga biyaha, beeraha, kalluumeysiga, caafimaadka, iyo waxbarashada.
4- Kobcinta hawlaha dhaqanka, farshaxanka iyo ciyaaraha iyo sidoo kale iskaashiga sayniska iyo farsamada.
5- Horumarinta iskaashiga si loo ilaaliyo loona wanaajiyo deegaanka iyo wax ka qabashada saamaynta masiibooyinka dabiiciga ah iyo cudurrada faafa.
6- In sare loo qaado iskaashiga difaaca iyo amniga si loo ilaaliyo nabadda, xasilloonida, iyo amniga.
7- In si wadajir ah loogu dadaalo sidii loo hormarin lahaa xiriirka wanaagsan, iskaashiga, iyo isdhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika.