Waalidiinta caruurtii loo qaadey dalka eritereya oo bananbax ku dhigey magalada muqdisho

0
308

Qaar kamid ah Waalidiinta Carruuryooda tababar Ciidan ay dalka Ereteriya ugu qaaday dowladdii hore ee uu hoggaaminayay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta banaanbax ka dhigay Aargada Isgoyska km4 ee Magaalada Muqdisho.

Waalidiinta ayaa waxaa ay banaanbaxa ku taageerayeen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ugu tegay Dhalinyarada tababarka Ciidan loo geeyay Ereteriya, kuwaas oo nolol ama geeri lagu la’aa.

Banaanbaxayaasha oo qaarkood ku dhawaaqayay Erayo ay kamid yihin, (MAANTA MAANTA WAA MAALIN WEYN EE MAAANTA) ayaa waxaa ay sheegeen inay aad u farxeen markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu xerada ay ku sugan yihiin uu ku booqday Carruurtooda oo ay weysnaayeen muddo ka badan laba Sano.

Waxaa ay sheegeen in dowladdii hore ee Madaxweyne Farmaajo ay dhageysan weeyday cabashada Waalidiinta, balse Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay rajo ka qabaan in uu dib ugu soo celiyo Carruurtooda tababrka Ciidan loo geeyay dalka Ereteriya.