
Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamul goboleedka Koonfur Galbeed oo la hadlay warbaahinta ayaa si kulul uga hadlay is hortaag lagu sameeyey, xilli ay doonayeen inay gudaha u galaan xarunta madaxtooyada maamulkaasi.
Xildhibaanadaan ayaa shaaca ka qaaday in xilligaas ay ku socdeen inay ka qayb-galaan kulan ay xildhibaanadu ku lahaayeen halkaasi, balse ay u diideen ciidamada gaarka ah ee ka howl-gala dhismaha xarunta madaxtooyada.
Cabdalle Shiin oo ka mid ah xubnahaas oo warbaahinta la hadley ayaa sheegey in rasaas lagu furay, kadibna la jirdilay, sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dhacdadaan ay daba socoto dhaarinta xildhibaano uu ku tilmaamay in si sharci darro ah baarlamaankii oo xiran loo dhaariyey, kuwaas oo ay wadatay madaxtooyada Koonfur Galbeed, isla-markaana ay iyagu ay kasoo horjeesteen.
Ugu dmabeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen uusan ogoleyn sharciga, isla-markaana uu doonayo inuu sameysto muddo kororsi horleh.