Banaanbaxyo rabshado wata oo maanta ka dhacay degmada beledxaayo

1
294

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta dibad-bax rabashada wata uu ka dhacay degmada Beledxaawo ee gobolkaasi, kaas oo ay dhigeen qaar ka mida dadka deegaanka oo isugu soo baxay degmadaasi.

Dibad-baxayaasha ayaa kasoo horjeeday dhalinyaro ay ciidamada Nabad Sugidda dowladda ku xir xireen magaaladaasi, kuwaas oo loo geystay jirdil, sida ay ku doodayaan ehellada.

Wararka ayaa sheegaya in dibad-baxayaasha oo ku qeylinayey erayo ka dhan ciidamada NISA ay gudaha u galeen xarunta degmada Beledxaawo, ayna dab qabad-siiyeen.

Sidoo kale waxa ay taayaro ku gubeen waddooyinka magaalada, taas oo sababtay inay rasaas ku furaan ciidamada ammaanka, si loo kala eryo dadweynaha careysan.

Inta la xaqiijiyey waxaa rasasaasta ay fureen ciidamada ku dhaawacmay illaa 3 ruux oo ka mid ah dadka deegaanka, waxaana kadib kala cararay dibad-baxayaasha.

1 COMMENT

Comments are closed.