Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadley sida ay alshabab ugu xoogeysteen dalka intii uu farmaajo tala hayey

1
288

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ballan-qaaday inuu ka adkaan doono kooxda Al-Shabaab, oo uu sheegay inay dib ugu xoogeysatay dalka shantii sano ee uu maamulayey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Inta badan degmooyinkii la xoreeyey markii aan madaxweynaha ahaa muddo xileedkii koowaad, mar kale ayey gacanta ka baxeen,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo wareysi siiyey wargeyska The Economist.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay maanta ururiso canshuur ka badan tan dowladda, oo ay nidaam dowladeed ka dhex sameyeen dowladda federaalka, taasi oo uu nasiib darro ku tilmaamay.

Madaxweynaha cusub ayaa ku dhowaaqay inuu damacsan yahay inuu billaabo weerar cusub oo ka dhan ah Al-Shabaab, si uu dib ugu riixo baadiyaha. Waxa uu sheegay in markaas kadib kooxdan wada-hadal lala geli karo.

1 COMMENT

  1. Mm hadda looma joogo hadal,gacantada ayey ku jirta ka tirtir dalka nabad diidka,dulmaqabayasha .

Comments are closed.