
Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Kumaandooska Danab ayaa howlgalo qorsheysan oo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-shabaab waxay ka sameeyeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Sh/hoose.
Deegaanada ciidanka Kumaandooska Danab ee dowladda Soomaalya ay howgalada ka sameeyeen ayaa kala ahaa Tooratooroow, Caliyoow iyo Baaroow oo ka wada tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.
Saraakiil ka tirsan Ururka 4-aad guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab oo ka hadlay howgalada ay sameyeen ayaa waxay sheegeen in howlgalada ay ku burbriyeen barokoontarool oo ay Shabaab lahayeen, islamarkaana ay ku qaadi jireen lacago.
Saraakiisha waxay sidoo kale sheegeen in howlgalka ay kusoo qabteen ilaa lix xubnood oo ka tirsan dhaqdhaqaaqa hubeysan ee Al-shabaab oo ay kala wareegeen deegaanada Tooratooroow, Caliyoow iyo Baaroow oo ka mid ahaa deegaanada ay sida weyn ugu xoogan yihiin Al-shabaabka Sh/hoose.
