
Waxaa Maanta Magaalada Baydhabo gaaray wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Muqdisho uga baxay safarkiisii ugu horreeyay tan iyo markii la doortay 15-kii Bishaan.
Wafdiga Madaxweynaha oo ay qeyb ka ahaayeen Xubno katirsan labada Golle ee dowladda, Taliyaha Ciidanka xoogga dalka ayaa Garoonka Shaati Gaduud ee Magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay, Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis (laftagareen) & qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada Baydhabo.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Hogaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa xariga ka jaraya dib u dhis lagu sameeyay qeyb kamid ah Madaxtooyada Koonfur Galbeed.
Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo kala gooni gooni la yeelan doona Madaxda Sare ee Koonfur Galbeed Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida iyo Odayaasha Dhaqanka.