
Xubno katirsan Ururka Al-Shsbaab ayaa waxaa ay weerar ku qaadeen Ciidamo katirsan kuwa Millateriga Soomaaliya oo marayay degaano hoostaga Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamada dowladda ee la weeraray ay marayeen wadada u dhaxeysa degaannada Janaale iyo Buufow, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab, kaasoo geystay dhimasho iyo dhaawac.
Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in weerarka ay ku dhinteen laba Askari oo kamid ah Ciidamada dowladda, waxaana dagaalka kadib ay Ciidamada iska sii wateen socdaalkooda, iyaga oo ka yimid degaanka Janaale kuna wajahnaa degmada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.
