Gudoomiiyaha baarlamaanka oo maanta kulan la qaatey safiirka dalka qadar

0
220

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Amb. Hassan bin Hamza Hashem.

Danjiraha ayaa guddoomiyaha la wadaagay dhambaal salaan ah, oo uga siday Guddoomiyaha Golaha Shuuradda Baarlamaanka dowladda Qatar Hassan bin Abdulla Al-Ghanim, taas oo ku aaddan doorashadii uu Gudoomiyaha ku soo baxay iyo Sidoo kale sidii ay ku soo geba gabowday doorashadii lagu doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa dhankiisa dowladda Qatar ku dhiiro geliyey inay sii laba laabto taageerada joogtada ee ay la garab taagan yihiin Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.