Taliyaha cusub ee qeybta 60naad oo maanta xilka kala wareegey taliyihii hore

0
533

Gaashanle Sare Ibraahim Cusmaan Maxamed (Tifow) oo dhawaan loo magacaabay Taliyaha Cusub ee Qeybta 60aad ayaa Maanta si rasmi ah Xilka Taliyaha ugula wareegey Taliyihii hore Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeyo guuto Maxamed Sheekh Cabdullahi Ciirow.

Taliye Ciiro oo ahaa sanadyadii lasoo dhaafay taliyaha qeybta ayaa dhawaan kamid noqday Xildhibaanada 11aad ee BJFS ee laga doortay magaalada Baydhabo.

Waxaana Munaasabadda Xil wareejinta ka soo qeyb galey Saraakiisha Ciidanka Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Gaashanle Sare Ibraahim Cusmaan Maxamed (Tifow) taliyaha cusub ee qeybta ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalk ay bilaabi doonaan howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka degaanada maamulka Koonfur Galbeed.