
Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, oo muddo afar sano ah xabsi guri ugu jira hay’adda nabad sugida Soomaaliya ee NISA ayaa markii ugu horeysay tan iyo markii la xiray Dec 2018, kasoo muuqday warbaahinta.
Arrintaan ayaa kusoo beegmeysa, kadib markii uu dalku galay isbeddel siyaasadeed oo cusub islamarkaana ay meesha ka baxday dowladdii soo xirtay ee uu hoggaaminayay madaxweyne Farmaajo.
Warar ayaa sheegaya in la oggolaaday Mukhtaar Roobow in ay booqasho ugu taagan qoyskiisa. Wareysi qarsoodi ah oo lix bilood ka hor ay VOA Soomaali la yeelatay, ayuu ku sheegay in tan iyo markii lasoo xiray loo diiday in la booqdo.
Roobow ayaa December 2018 lagasoo xiray magaalada Baydhabo, isagoo ahaa musharrax u taagan madaxweynaha Koonfur Galbeed. Xarrigiisa ayaa loo aaneynayaa inuu salka ku hayo arrimo siyaasadeed oo looga hortagayay inuu ka qeyb galo tartanka doorashada Koonfur Galbeed.
Si kastaba ha ahaatee xariga mukhtaar roobow ayaa ahaa mid xaqdara ah kaasoo aysan jirin maxkamad xukuntey balse kooxyar ay ku hishiiyeen inxabsiga lagu hayo taasina aysanwaafaqsaneyn dastuurka u yaala dowlada federaalkasomaaliyed.