
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax goordhow ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho.
Qaraxa oo jugtiisa si weyn looga maqlay meelo badan oo caasimada ka mid ah ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay isgoyska KM4, gaar ahaan wadada aada Garoonka.
Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhintay ugu yaraan 3 qof oo labo ka mid ah ay askar yihiin, halka qofka kalena uu yahay ruux shacab ah.
Xaaladda goobta ayaa sidoo kale aad u kacsan, waxaana gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya.