
Waxaa Maanta oo Arbaco ah lagu wadaa in teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho ay ka bilaabato hadal jeedinta Musharaxiinta isku diiwaan galisay doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya.
20 ka mid ah 39-ka Musharax ee is diiwaan galisay sadaxdii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa Maanta khudbadahooda ka hor jeedin doono Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya, halka 19-ka Musharax ee kalana ay khudbadahooda jeedin doonaan maalinta berito ah.
Guddiga doorashada madaxweynaha 10-aad ee dalka oo shalay soo saaray jadwalka hadaljeedinta Musharaxiinta ayaa Musharax walba waxay siyeen 15 daqiiqo oo uu kusoo jeedinayo sooyaalkiisa, waxyaabaha lagu dooranayo iyo balanqaadyada ay sameyeen siyaasiyiinta sida caadada u ah waqtiyada doorashada ay galayaan.
Guddiga doorashada ayaa sidoo kale ka dalbaday Musharaxiinta madaxweynaha iney ilaaliyaan waqtiga loo siiyay iney kuso jeediyaan khudbadahooda, islamarkaana Musharax walba ay tahay inuu raaco habraaca loogu talo galay.
