Maareeye oo daaha ka qaaday qorshaha ka dembeysa kulan ay magalada baydhaba ku yeelan lahaayeen beelaha dir iyo digil iyo mirifle

1
284

Wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafinta, haatana ka mid ah xubnaha loo doortay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa soo saaray qoraal xasaasi oo ku saaban shirka ka dhacaya Baydhabo ee ay leeyihiin madaxda siyaasadda ee Beelaha Dir, Digil & Mirifle.

Mareeye ayaa shaaca ka qaaday in Beelaha Dir, Digil & Mirifle ay dhowaan ku heshiiyeen in marka ay dhammaato doorashada socota la xoojiyo isbaheysigooda gaarka ah.

Sidoo kale wuxuu ka shifay qorshaha shirka ay ku leeyihiin Baydhabo, isaga oo tilmaamay inuu ku saabsan yahay wax ka beddalka awood qaybsiga xilalka dowladda, gaar ahaan xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in hadda ay isbeddaleen qaar ka mid ah siyaasiyiintii iyo madaxdii ku howlaneyd shirkaasi, isla-markaana ay doonayaan in xilalka sidoodii loo daayo.

Ugu dambeyn Maareeye oo kasoo horjeedo qorshaha lagu maja-xaabinayo shirka Baydhabo ayaa soo jeediyey in wada-tashi la isugu yimaado Muqdisho, ka hor shirka Baydhabo.

1 COMMENT

  1. DIGILMIRIFLE waxaa lagu bedeley raxweyn iyaduna maanta waa loo baqaya hadii uu hirgelo qorshaha mareye,salim iyo baraf

Comments are closed.