
Guddiga Doorashada dowlad Goboleedka Galmudug ayaa shaaciyay Guddiga Xulista Kuraasta kala ah HOP#018, HOP#021 iyo HOP#020 iyo xiliga qabashada doorashada kuraastaas.
Guddiga ayaa sheegay in doorashada Saddexda kursi la qaban doono Maalinta berito oo talaado ah taariikhduna ku beegan tahay 15/3/2022, waxaana kuraasta la dooranayo iyo dadka hadda ku fadhiya ay kala yihiin.
1: HOP#018 oo uu ku fadhiyo Qaasim Maxamed Jaamac waxaana u sharraxan musharrixiin dhowr ah oo doonaya inay ku tartamaan.
2: HOP#021 oo ay ku fadhiso Maryan Xaaji Cabdi Geedi, balse kursigaan ayaa waxaa ku tartami doono Rag kadib markii laga wareejiyay Qoondada dumarka.
3: HOP#020 oo uu ku fadhiyay Cali Axmed Shariif Cusmaan, balse loo bedelay Qoondo Haween.

