
Guddiga doorashada maamulka Hirshabeelle ayaa shaaciyay liiska 13 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka, kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Kuraasta 13-ka kursi ah ee la shaaciyay qaarkood waxaa ku jira kuwo ay ku fadhiyaan siyaasiyiin miisaan culus ku dhex leh siyaasayada Soomaaliya, waxaana jira welwel badan oo ay qabaan Musharaxiinta qaar oo ku aadan in loo boobo kuraasta shaqsiyaad gaar ah oo la wato.
