Alshabab oo sheegtey in qarax miino ah ey ku dishey ciidamo ka tirsan dalka kenya

0
397

Wararka ka imaanaya deegaanka Lamu ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in halkaasi qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah oo meelaha fogfog laga hago lagula eegtay kolanyo ka tirsan ciidamada Kenya.

Kolanyada gaadiidka ee ciidamada Kenya ee lala eegtay qaraxa miino ayaa kusii jeeday tuulada Mangay oo ku dhaw magaalada Lamu, waxaana la sheegay in gaari Cabdi bile ahaa oo kolanyada ka tirsana uu qaraxa haleelay.

Qaraxa miino ayaa la sheegay inuu khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh uu kasoo gaaray ciidamada Kenya, inkastoo aanan la xaqiijin karin tirada rasmiga ah ee ugu waxyeelowday ciidanka Kenya, waxaana qaraxa kadib dhacay rasaas badan oo ay rideen ciidamada qaraxa lala beegaaday.

Al-shabaab oo sheegatay masuuliyada qaraxa miino ah, ayaa sheegtay iney ku dhinteen qaraxaasi miino ilaa 15 askari oo la mid ah ciidamada Kenya ee saarna gaariga Cabdi bilaha ee qaraxa qabsaday.