
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Xilgaarsiinta Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa ka dalbaday Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage in loo yeero ilaa shan sarkaal oo la sheegay in lagu tuhunsan yahay dhacdadii 27-kii bishii lasoo dhaafay ee Decembar, islamarkaana lagu doonanay in xafiiska Raysal wasaare Rooble lagula wareego.
Taliyaha ciidanka xoogga ayaa qoraalka kasoo baxay Xafiiska wasiirka Gaashaandhiga waxaa looga codsaday in shanta sarkaal maalinta Sabtiga ah ee taariiqdu tahay 8-da Janaayo 10:00 barqanimo iney yimaadaan xafiiska wasiiru dowlaha Xafiiska Raysal wasaaraha, si ay ula kulmaan guddiga loo magacaabay baaritaanka dhacdadaasi.

