Golaha wadatashiga oo loogu baaqey in doorashada ay noqoto mid lagu kalsoon yahay

0
299

Beesha Caalamka ayaa ugu baaqay Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya in ay xaqiijiyaan in doorashada dalka ka socota ay noqoto mid lagu kalsoonaan karo oo dhawaan la soo gabagabeeyo.

Baaqaan ayaa yimid kadib markii shalay diblumaasiyiin ay magaalada Muqdisho kula kulmeen ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada.

Wada-hawlgalayaashu waxay sheegeen inay dhiiri-gelinayaan hagaajinta fulinta hannaanka doorashada, oo ay ku jirto sixitaanka khaladaadka xeer-hoosaadka iyo hubinta waqti cad lagu dhammaystiro doorashooyin lagu kalsoonaan karo.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa maalintii saddexaad Muqdisho ka socda shirka golaha wadatashiga, kaasi oo looga hadlayo sidii looga gudbi lahaa ismari waaga siyaasadeed ee doorashada.