
Shirka Golaha wadatashiga qaranka ayaa maalintiisa labaad galay, kaasoo shalay si rasmi ah uga furmay teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Shirkaan ayaa madaxda Golaha wadatashiga qaran ayaa waxay diiradda ku saarayaan howlaha doorashooyinka dalka iyo khilaafka ka taagan doorashooyinkii Golaha Shacabka ee dhawaan ka bilaawday magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo, Dhuusamareeb iyo kismaayo.
Waxaa sidoo kale qodobada inta badan maanta shirka lagu falanqeyn doono la sheegaya iney ka mid tahay sidii hal doorashada loogu soo koobi lahaa hal deegaan doorasho, taasoo madaxda maamulada qaar ay si weyn u daneynayaan in doorashada laga dhigo mid ka dhacda hal deegaan, taasoo uu horay uga biyo diiday madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
