Shirka golaha wadatashiga qaranka oo ka furmey magalada muqdisho

1
413

Shirka golaha wadatashiga qaranka ayaa kol dhaweyd ka furmey magalada muqdisho kaasoo uu shir gudoominaayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Shirka ayaa diiradda lagu saaraya amniga iyo dardargelinta doorashooyinka, daahfurnaanta iyo jaangoynta xilliga la soo gabagabeynayo doorashada Golaha Shacabka BFS.

Madaxweynayaasha maamul goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ka qeyb galaya shirkaan oo kusoo beegmay xilli xasaasi ah oo madaxweynaha iyo raysal wasaaruhu is khilaafsan yihiin.

Beesha caalamka iyo dhammaan daneeyayaasha doorashada sida midowga musharraxiinta ayaa si gaar ah isha ugu haya waxa kasoo bixidoono shirkaan.

1 COMMENT

Comments are closed.