
Madaxweynihii hore Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Maxamed Cabdullaahi ku eedeeyay in uu ku tuntay dastuurka Dalka.
Waare ayaa sheegay in weeraro kala duwan uu ka geystay Muqdisho kuwaas oo lagu beegsaday Madax qaarkood xilal heysa iyo kuwo dalka xilal kasoo qabtay.
Maxamed Cabdi Waare Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku amaanay sida xilkasnimada leh ee uu dalka uga badbaadiyay dagaal uu la rabay Farmaajo.
Afgambigii dhicisoobay ee Kooxda Farmaajo la rabtay Ra’iisul Wasaaraha iyo xukuumaddiisa ayuu ku sheegay in uu bannaanka soo dhigay shirqoolkii ugu dambeeyay Villa Somalia wado.
Waare waxa uu xusay in Farmaajo uu qaaday dhowr tallaabo oo dalka u horseedi kara isku dhacyo kala duwan balse sababta looga baaqsaday ay tahay in waqtigiisu dhammaaday.
