Dab maanta ka kacay goobo ganacsi oo ku yaala suuqa seybiyaano ee degmada hodan

0
516

Dab geystay khasaaro hantiyadeed ayaa Barqanimadii Maanta waxaa uu ka kacay Goobo Ganacsi oo kuyaalla Suuqa Xaafada Seybiyaano degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Sida ay sheegeen goobjoogayaal Dabka ayaa ka dhashay Koronto ka kacday Timajare kuyaalla Aaga Suuqa Caanaha, waxaana dabka uu ku faafay Goobo dhowr ah oo lagu iibiyo Cuntada qutul daruuriga iyo Caanaha.

Qaar kamid ah Ganacsatadii laheyd Goobaha uu dabka saameeyay ayaa sheegay in uu dabka baabi’iyay ilaa Shan Goobood oo Ganacsi maadaama uu ahaa mid aad u xoogan, isla markaana Hanti farabadan ku burburtay.

Waxaa ay sheegeen in dabka lagu demiyay dadaal ay sameeyeen Ganacsatada Suuqa Seybiyaano iyo qeybaha kale ee Bulshada, balse saameyn weyn uu ku reebay.