Qaramada midoobey oo sheegtey in lagu deg degey xeritaanka terminaalka Movcom ee garoonka aadan cade

0
310

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay amarkii dowladda Soomaaliya ay ku xirtay terminaalka MOVCON ee garoonka Aadan Cadde inuu ahaa go’aan lagu degdegay oo lama filaan ah.

Bayaan kasoo baxay xafiiska QM ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xiritaanka MOVCON aan loo marin sabab muuqata oo eedeymo ah oo loo soo bandhigay Qaramada Midoobay, si loogu sameeyo baaritaan.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in wadahadallo dheeraad ah oo arrintan ku saabsan lagu wado in maalmaha soo socda ay la yeelato madaxda Dowladda Federaalka.

QM waxay sheegtay in ay ka go’an tahay wadashaqaynta ay la leedahay Soomaaliya iyo in ay sii waddo caawinta dadkeeda, taaso ay weliba jiraan carqalado ka dhan ah hawlgalka, sida ay sheegtay.