Hay’adaha socdaan iyo jinsiyada somaliya oo amr lagu siiiyey in aanuu dalka ka safri karin taliyaha ciidanka bada

0
381

Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa amar ku siiyay hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya inaanu dalka ka safri karin taliyaha ciidanka Badda Soomaaliya Cabdixamiid Maxamed Dirir.

War qoraal ah oo kasoo baxay wasiirka Amniga ayaa sidoo kale lagu sheegay in taliye Cabdixamiid oo loo haysto eedeymo iyo xadgudubyo waa weyn uu kula kacay Raysal wasaaraha Soomaaliya, islamarkaana uu qorsheynayo inuu dalka si deg deg ah uga baxo.