
Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ku wajahan magaalada Garowe, ee caasimadda Puntland, halkaas oo ay wada hadal arrimaha doorashada ku saabsan kuwada yeelan doonaan isaga iyo madaxweyne Deni.
Tegitaanka madaxweyne Axmed Madoobe, ayay Puntland aad u adkaysay amniga magaalada Garowe, iyadoo loo xiray qaar kamid ah waddooyinka ugu muhiimsan.
Deni iyo Axmed Madoobe oo xulufo ku ah arrimaha doorashada, ayaa kulankooda Garowe wuxuu ku saabsan yahay doorashada soo socota ee aqalka hoose oo dhawaan ka bilaabanaysa dowlad goboleedyada.
Ma ahan markii ugu horraysay oo Axmed Madoobe Garowe u yimaado arrimaha doorashada, balse socdaalkaan wuxuu kaga duwan yahay kuwii hore, iyadoo madaxweyne Deni la hadal hayo inuu yahay musharrax madaxweynaha Soomaaliya.
