
Howlgalka AMISOM ayaa markii ugu horraysay ka hadlay xukun dil iyo xabsi dheer ah oo lagu riday 5 kamid ah askarta AMISOM, kuwaas oo lagu helay in ay ka dambeeyeen dadkii lagu laayay tuulada Golweyn.
War-saxaaafaddeed kasoo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in saraakiisha ugu sarraysa howlgalka ay aad uga xumaadeen dilkii loo geystay dadka rayidka ah, waxayna mar kale tacsi u direen qoysaskii ay ka geeriyoodeen dadkaas shacabka ahaa.
Taliyaha Qeybta 1-aad ee Ciidanka Difaaca Uganda, Brig. Gen. Don Nabasa, ayaa isna sheegay hadafkoodu inuu yahay sidii ay hoos ugu dhigi lahaayeen qatarta Alshabaab iyo Daacish, balse aysan marnaba meesha ku jirin in howlgalka AMISOM lagu dhibaateeyo dadka shacabka ah ee Soomaaliyeed ee u baahan in ilaaliyo naftooda.
AMISOM waxay sheegtay in saddexda askari ee lagu xukumay 39 ka sano ee xabsiga ah in dalkooda lagu celindoono si ay halkaas ugu dhameystaan xukunka ay dowladda Soomaaliya ku riday.

