Wasiiro ka tirsan xukuumada rooble oo ka hadley dadkii ay somaliland kasoo musaaafurisey magalada laascaanood

0
241

Booliiska magaalada Laascaanood ee Soomaaliland ayaa magagaaladaasi maalintii shaley kasoo masaafuriyay dad gaaraya 1200 oo ruux oo isugu jira haween, odayaal, dhalinyaro, caruur oo ay Soomaaliland ku eedeysay falalka amaan darro iyo dilalka qorsheysan ee maalmahii lasoo dhaafay ka dhacaayay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa waxaa arintaasi si kulul uga hadashay dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cisman Abukar Dubbe ayaa sheegay inuu si weyn uga xun yahay falka ka socda Laascaanood ee lagu soo masaafuriyay dadka Soomaaliyeed, isagoona ugu baaqay reer Laascaanood iney dhowran Soomaalinimada.

Waxaa sidoo kale ka hadalay talaabada dadkan lagu soo masaafuriyay wasiirka wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur oo sheegay in talaabada Soomaaliland kusoo masaafurisay dadka kasoo jeeda Koofurta Soomaaliya, gaar ahaan gobolada Baay iyo Bakool iney tahay mid nasiib darro ah.

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay inuu aad uga xunyahay dadka Soomaaliyeed ee Laascaanood laga soo masaafuriyay, isagoona sheegay inuu falkaasi yahay wax ku cusub dhaqanka suuban iyo kan dowliga ah.

Booliiska Soomaaliland ayaa dadkan shacabka ah ee kasoo jeeda Koofurta Soomaaliya ka dhex aruurshay xaafadaha Laascaanood isugu geeysay garoonka kubada Cagta Laascaanood, islamarkaana halkaas kasoo saaray gaadiidka nooca xamuulka ee loo yaqaano waaraadka.