
Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa wax laga xumaado ku tilmamay tarxiil Soomaliland kula kacday boqolaal katirsan shacabka kasoo jeeda gobolada Baay iyo Bakool ee ku noolaa magaalada Laascaanood.
Guddoomiyaha ayaa ku eedeeyay Somaliland in ay qaaday tallaabo aad u fool xun oo ceeb ku ah Soomaalinimada iyo ixtiraamka karaamada bini’aadamka, wuxuuna sheegay ka Puntland ahaan in ay ka xun yihiin.
Sanyare wuxuu sheegay in haddiiba Somaliland ay deegaannadeeda ka saarayso bulshadaas, looga baahnaa in ay siiso waqti ku filan oo ay ugu diyaar garoobaan sidii ay hantidooda u raran lahaayeen.
Guddoomiyaha gobolka Mudug, ayaa sheegay dadka kasoo jeeda gobolada Baay iyo Bakool in ay yiiin dad aan dhibaato ku ahayn amniga, loon nisbayn karin in ay qeyb ka yihiin amni darrada Laascaanood ka jirta iyo dadka lagu laynayo.
“Haddii la leeyahay waa arrin amni, oo laleeyahay dadkaan waa Shabaab oo dadkeenna ayay layn jireen, taas annagaaa soo xaqiijinay. Gobolka Mudug ayaan kusoo xaqiijinay. Dadkii wax layn jiray, reer Puntland ayay ahaayeen. Hal qof oo dadkaan kasoo jeeda Koonfur galbeed oo Shabaab ah nooma xirna,” ayuu yiri guddoomiye Sanyare.