
Hoggaamiyaha ururka Ahlu Sunna Wal Jamaaca, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo wareysi gaar ah siiyay BBC-da ayaa sheegay in maamulka Galmudug meeshii uu la dagaallami lahaa Al-Shabaab ay soo weerareen ururka Alhu Sunna.
Wuxuu sheegay in ujeedkooda ugu weyn ee ay u joogaan gobolka Galgaduud uu yahay la dagaallanka Al-Shabaab.
Waxaa kaloo uu sheegay in ay u taagan yihiin in la hagaajiyo wixii ka khaldan sida uu sheegay maamulka Galmudug.
Waxaa uu sheegay in maamulka Galmudug aysan kasoo horjeedin oo ay yihiin dadkii mudada dheer gacanta ku hayay gobolka Galgaduud.
Maamulka Galmudug ayaa ku eedeeyay in dagaalka Al-Shabaab aysan u soo jeedin balse ay doonayaan dagaalka Ahlusunna.
