Reysulwasaare Rooble oo baaq kasoo saarey arimaha kasoo cusboonaaday galmudug

0
148

Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa warsaxafadeed kasoo saaray xaalad kacsanaan ah oo kasoo cusboonaatay deegaanada Maamulka Galmudug, kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa Ahlu Sunna ay la wareegeen degmada Guriceel.

Raysal wasaare Rooble ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay xiisada colaadeed ee haatan ka taagan qeybo badan oo ka mid ah deegaanada Galmudug, islamarkaana ka tacsiyadeyay dadka ku dhintay iska hor imaadyadii dhacay.