Weerar madaafiic ah oo xaley lagu qaadey saldhig ay ciidamadu lu lahaayeen degmada qansax dheere

0
184

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay inay weerar madaafiic ah ku qaadeen Saldhig Ciidamada Dowlad ku leeyihiin degmada Qansaxdheere ee Gobolla Baay.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamo Itoobiyaan ah oo saldhig ku leh degmada Qansaxdheere ay dhankooda ay weerarka madaafiicda ah uga jawaabeen madaafiic kale, isla markaana ay ku tuureen degaannada ku dhow dhow.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmada Qansaxdheere ee Gobolka Baay ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan, balse Ciidamada ay wadaan howlgallo kala duwan.

Weerarka madaafiicda ah ee lagu qaaday Saldhiga Ciidamada ku leeyihiin degmada Qansaxdheere ayaa kusoo aadaya xilli xalay weerar toos ah lagu qaaday degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.