Gudoomiyihii baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday oo soo afjarey shaqada baarlamaanka 10aad

0
189

Guddoomiye Mursal ayaa soo afjaray shaqadii Golaha Shacabka Baarlamaanka 10-aad, isagoo qoraal u diray Ra’iisal wasaaraha xilgaarsiinta, ogeysiinna siiyey Madaxweynaha xilku ka dhammaaday.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 10-aad Maxamed Mursal Sheekh ayaa soo afjaray shaqadii Golaha shacabka, isagoo Liiska sharciyadaha horyaallay, kuwii hakaday iyo kuwii socday u diray Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaariinta Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraalka Mursal ayaa ku taariikheysan 25 Septembar 2021, wuxuuna ku socday Ra’iisal wasaaraha, iyadoo ogeysiin la siiyey madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, waxaana lagu sheegay xeerarkii qabyada ahaa inay xukuumadda Xilgaarsiinta u gudbiso Golaha Wasiirada cusub ee Doorashda kadib, si ay Baarlamaanka 11-aad ugu celiyaan.

Tallaabadan ayaa soo afjareysa shaqadii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 10-aad, iyadoo ay meesha ka baxday shakigii laga qabay in Golaha muddo xileedkiisyu dhammaaday loo adeegsado Ra’iisal wasaare Rooble, sida lagu tuhunsanaa inuu ku dhaqaaqi karo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Farmaajo.