Mareykanka oo ka hadley xaalada siyaasadeed ee dalka somaliya

0
238

Dowladda Mareykanka ayaa war kasoo saartay xaaladda siyaasadeed ee uu dalku ku jiro, gaar ahaan is fahan waaga ka dhaxeeya Madaxweynaha mddo xileedkiisu dhammaaday ee Farmajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble, kaas oo salka ku haya Kiiska Ikraan Tahliil.

War qoraal ah oo ka soo baxay Mareykanka ayaa lagu sheegay inay muhiim tahay in diiradda la saaro sidii loo wajihi lahaa arimaha doorashooyinka dalka, loona soo dooran lahaa xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya oo aan doorashadoodu ku sugan sidii loogu talo galay.

Sii socoshada khilaafkaan ayay lagu tilmaamay mid wiiqi kara awoodda dowladnimada Soomaaliya, ayna ka faa’iideysan karaan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish oo ka dagaallama Soomaaliya.

Mareykanka ayaa ugu baaqay Farmaajo iyo Rooble inay si nabad ah ku xaliyaan kala fekir duwanaanshahooda, ayna si buuxda diiradda u saaraan dhammeynta doorashada Soomaaliya, iyadoo aan dib u dhac kale jirin.