
Maamulka Hirshabeelle ayaa shaaciyay in maanta oo Sabti ah magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ay ka dhaceyso doorashada laba ka mid ah kuraasta Aqalka sare xubnaha ku matalaya Hirshabeelle Baarlamaanka Soomaaliya.
Afhayeenka Madaxtooyada maamulka Hirshabeelle ayaa bogiisa Facebook ku shaaciyay in maanta Jowhar lagu dooran doono laba ka mid ah sideeda Kursi ee Hirshabeelle, iyadoona horay Jowhar loogu doortay afar kursi oo ka mid ahaa sideeda kursi, waxaana labada kursi ee maanta la dooran doono ay tirada ka dhigeysa ilaa 6 kursi waa hadii ay doorashada maanta qabsoonto.
Kursiga koowaad ee maanta doorashadiisa dhaceysa waxaa ku wada tartami doono Musharaxiinta kala ah Cali Shacbaan Ibraahin, Cabdullaahi Axmed Tawaad, Cabdiqaadir Xanafi Sheekh Bashiir, Cabdalle Cabdi Xuseen iyo Caasho Xuseen Abuukar.
Kursiga labaad ee doorashada maanta waxaa ku wada tartami doono Musharaxiinta kala ah Maxamed Amiin Shiikh Cusmaan, Daaha Muhudiin Sh. Daaud, Axmed Maxamed Cali (Afcadeey), Yuusuf Macalin Xasan (Filla-Dheere).
