Gudoomiyaha baarlamaanka oo xafiirkiisa kula kulmey safiirka dalka sweden

0
327

Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha cusub ee Sweden u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Per Lingarde.

Mursal iyo safiirka dowladda Sweden ayaa ka wada-hadlay dardar-gelinta arrimaha doorashooyinka billowday ee dalka iyo xaqiijinta qoondada haweenka ee 30%.

Qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha golaha shacabka ayaa lagu faah faahiyey kulankan oo uu sidoo kale goobjoog ahaa xoghayaha golaha Cabdikariim Buux.

Sweden ayaa ka mid ah dowladaha saaxibka la’ah Soomaaliya, waxayna si aad ah ula socotaa dhaq-dhaqaaq siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka 2021-ka.